Qayb 2aad Sahal waa saan saan dagaal Sokeeye

Published On: Sunday, March, 03 2013 - 12:16:30 This post has been viewed 13864 times

Share this post on: or Else
Maqaalkaan wuxuu noqday midkii ugu akhriska badnaa todobaadkaan wuxuuna dhaliyay xiisado qabiil iyo saameeyn balaaran iyadoo kumanaan kun oo qof soo direen Emailo falcelina sidaas darteed bal todobaadkaan aanu lafa gurno qeybta 2-aad

Ma ogtahay 1990kii Taliyihii XDS Jineraal Moorgan inuu mas’uul ka ahaa xasuuqii iyo barakicintii ku dhacday beesha Galgalo. Moorgan wuxuu hubeeyey koox Galgalo ah oo lagu barxay koox Majeerteen yaryar ah, waxaa amar lagu siiyey inay ciqaab iyo cunaqabateyn saaraan deegaanka Abgaal oo wado kasta laga xiro, markii ceelashii biyaha iyo wadooyinkii laga xiray, waxaa loo raaciyey bililiqeysi iyo kufsi laga simay haweenkii gabadh iyo gambooleeydabadeed nin Galgalo ah ayaa ku shirbay “Gaadiidku ha kuu gudbee u galliin Geeda Qorow. Gus Galgalaa kugu socdee ha ku galee garaarka goy”. Maxaaseka dambeeyey

Ma ogtahay kumanyaalkii macaluusha ugu dhintay Bay & Bakool in sababta mas’uuliyada Daarood lahaa. Abrile 1991 ilaa Abrile 1992 Jabhada SNF oo xoog ku haysatay Bay iyo Bakool, shacabka Digil & Mirifle wixii xabbad lagu diley mooyee intii kale gaajo ayey u dhinteen, maxaa yeelay waxaa laga dhacay hantidii mood iyo noolba. Mar labaad ciidankii USC/SNA oo 24/04/1992 ka kicisay SNF Bay iyo Bakool waxay boobeen macaawinadii hay’adaha samafalku u keeneen shacabka Digil & Mirifle, taasina qeyb bey ka ahayd macaluushii asiibtay Bay iyo Bakool.

Ma ogtahay diyaarad siday Somaali laga soo tarxiilay Sucuudi Carabiya markey kasoo degtay garoonka Garoowe intii reer koofurka ahayd in loo diiday inay diyaarada kasoo degaan oo cagaha dhigaan ciidda Puntland, amarkaas waxaa bixiyey Cadde Muuse oo Xamar ku dhashay.

Ma ogtahay shaqsigii ugu horeeyey ee Gumeysigii Talyaaniga dalka soo geliyey, hub & hantina ka qaatay inuu ahaa Yuusuf Cali Keenadiid. Shaqsigii labaadna ahaa Cabdullaahi Yuusuf oo suurtageliyey in Taangiyada Tigreegu ay naf iyo maalba burburiyaan Koofurta Somaaliya, gaar ahaan Gobolka Banaadir. Ma ogtahay guuldaradii dagaalkii 77 inay shirqoolkiisa maleegeen saraakiil reer Puntland ah oo Cabdullaahi Yuusuf arrintaas meel fagaare ah kaga tookhay. In maanta dad ku hantaataco Cabdullahi Yuusuf waa geesi qaran, sida Cabdullaahi Yuusuf oo kale geesi wadnahiisa iyo xiniinyihiisu isi saaraan yihiin oo noo aara ayaa Daarood u baahaan yahay, isla markaana Jineraal M.F.Caydiid & Maxamed Qanyare waa dembileyaal mudan in la horkeeno Maxkamda Heeg, carada ay abuuri karaan ma laga fiirsaday?

Ma ogtahay belo kastoo Somaali beerka ka asiibtay waxaa laga unkay Mandaqada Puntland “kulli fidna cinda geel”.Ma ogtahay Somaali qabyaalada ka xuubsiibatay oo ku midowday halgankii SYL dadaalna ugu jirta mideynta shanta Somaaliyeed, in reer Puntland ku wacadfureen hadafkii SYL oo ay 22/07/1958 furteen Xisbigii SDU, munaasabadii furitaanka afmaal la oran jirey Cali Cilmi Afyare ayaa ka gabyey wuxuuna yiri “Habargidir hakuu taliso iyo Murusadoo tuuga iyo tima-qurmoonow Abgaal iyo toban hal Hiiraan ah. Tolla’ayey tacadi weeyaane, maxaan gabayga teelteeliyaa waaba teexd dhigaye”

Ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya maanta waxa Somaaliya ku haya waa qarawga iyo riyo maalmeedka lagu doonayo Jubbaland oo “buffer zone”u noqota Kenya iyo Puntland oo “buffer zone”u noqota Itoobiya. Dadka maanta ku faraxsan gumeysiga ee aaminsan inay ka helayaan gurmad iyo gaashaan, hubaal guuldarro iyo shalaay bey ku dambeyn. Nin baa ku shirbay “Abeeso Ibliis aroostayoo uunsi loo shidaan arkaa”. Sh. Xasaan Xuseen (Ogaadeen) oo jeediyey muxaadaro ku saabsan “xukunka qofka Gaalada dhulka Muslimiinta lagu soo hoggaamiyo” wuxuu tibaaxay beelaha Daarood inay dalka Gaalo kusoo hoggaamiyeen ayna gacal u noqdeen, gargaarka iyo gurmadna weydiistaan. Somaalida kalena wax eed ah aysan ku lahayn, links-ka cirifka hoose daawo.

Ma ogtahay xasuuqii ugu xumaa ee abed ka dhaca Somaaliya inay geysteen maleeshiyada Dhafoorqiiq oo kaashanaya ciidanka Xabashida. Ma ogtahay labadaas kooxood inay dileen dad lagu qiyaasay nus malyan, hal malyan oo kalena barakiciyeen isla markaana magaalada Xamar guryihii ka dhisnaa nus la dumiyey oo dhulka lala simay. Ciil kama baxe weligi waa cadaaban yahay, dadna waxaa ugu doqonsan ninka aan ogeyn wuxuu geystay ee gocanaya oo keliya wixii loo geystay. Hadaad ku aarsateen muruqa Itoobiya iyo maalka Mareykanka, weli ma ciilqabtaan? Doonyaha Boosaaso ee ay ku qoran tahay “dadow dollar keen doonta raac aan kusoo dilee” hadaad bad-cas ku hafiseen kumanyaal qof oo reer koofur ah oo aan SAHAL ku abtirsan, weli ma ciilqabtaan? Goormaad ciil baxeysaan? Ma ilaa buunka qiyaame la afuufaad ciilka iyo calool-xumada ku jireysaan? Nin kasoo dhoofay Somaaliya 1961 oo East Afrika degay ayaa ku habsaamey qaad-raamsi. 1991 wuxuu arkay dad kasoo firxaday dagaalladii, dabadeed wuxuu yiri “Madaxweyne Aadan Cadde wadaad wanaagsan buu ahaaye muxuu dad u qaxinayaa”. Ma sida ninkaas ayaad hurdo dheer gasheen oo waxaad ku riyooneysaan “mar haddaanan gaariga wadeyn geyrba gelimaayo”

Ma ogtahay dagaalkii Mudug ka dhacay inay bilaabeen reer Puntland Tusaale: Aas-aaskii SSDF kadib, goortii Cumar Maxamuud lagu suntay magaca Mahbar, Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee xiligaas ayaa Gaalkacyo kula shiray beelaha Mudug oo laga reebay Cumar Maxamuud, wuxuu yiri hadal taariikhda baal-madow ka galay, hadalkii wasiirka waxaa ka mid ahaa “waa idiin bannaan tahay naf iyo maalba, inaad dishaanoo dhacdaan oo naagahooda meher la’aan guursataan Cumar Maxamuud”. Caaqilkii Sacad Jaamac Seed wuxuu yiri “nooma bannaana, waa Muslim, waa Somaali, waa deris, waa xigto iyo xidid”. Inta badan beelihii Mudug waa fuliyeen baaqii wasiirka balse Sacad, wixii Cumar Maxamuud ahaa naf iyo maalba waa badbaadiyey. Dhowr sano markii dagaalkii SSDF socday, Sacad mooyee beelaha kalena godob ka galeen Cumar Maxamuud, arrintaas waxaa ka marqaati kacay caaqilkii jufada Reer Cali Maxamed nabaddoon Axmed Gureyoo meel fagaare ah ka yiri “Sacadow wax foolxun ayaa Cumar Maxamuud idinku abaalgudi doonaa ee maanta wax ka laaya sida beelaha kale”.Siduu saadaaliyey ayaa dhacday.

Ma ogtahay 1989kii Sacad oo ah warmoog aan beerba laf ka filan in saraakiil reer Puntland ah oo Madaxtooyada Xamar laga abaabulay weererka ku qaadeen Sacad iska hurda? Taliyihii Gaaska 54aad XDS ee saldhigiisu ahaa Garoowe ayaa dagaalkii Sacad lagu qaaday taliye ka ahaa. 17/11/1989 ciidan ka kooban (milateri & dhafoorqiiq) 61 nin oo ahaa odayaal iyo ganacsato magac leh inay ku dileen tuulooyinka Hilmo iyo Docol. Xasuuqa iyo bililiqeysiga hantida waxaa loo raaciyey gabayo aflagaado ah “Hawiye daba madoobe idinkoon diririn bari ma u dareerteen iyo Hawiye baqayoo baduu dhaafaye Alla baroon ma ku baadigoobnaa”. Haweenkii Sacad ee deegaan kusii haray markey suuqa Gaalkacyo caano keenaan waxaa laysugu daray kufsi, caanihii oo laga dhamay iyo aflagaado foolxun, waxaa lagu yiri erayo anshaxa ku xun, balse markaan si asluub leh u sarbeebo waxaa ka mid ahaa “Cambar & Calaf isku wado”.Sacad la bahdiley oo nindoorkisii la laayey, hantidisii la dhacay, haweenkisii la kufsaday, ayaa weerar rogaalcelin ah ku qaaday Gaalkacyo, 26/02/1991 waxay ku dileen 70 nin oo lagu sheegay maqaawirta Majeerteen. “Ninba waa mare, mus-ma-kula koray”. Kooxaha beryahaan garaacaya durbaanka colaada, marka hore ha xisaabtameen oo hays barbardhigaan wixii dhibaato loo geystay iyo wixii dhibaato ay geysteen, kadibna hasoo gole fariisteen oo ha-gashi baxeen.

Qoraalka waxaan ku afmeerayaa fariin ku socota Xasan Karatee oo ah abaabulaha xuska xasuuqii 91 iyo Cabdiwahaab Xaaji Xuseen oo la dhashay RW hore Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Xasanow waxaa laguu yiqiin saxafi hufan oo si firfircoon uga qeyb qaatay halgankii Itoobiya lala galay. Inta aadan Youtube-ka gelin barnaamijka sow ma habooneyn inaad tifaftirto “editing” oo aad ka saarto erayada aflagaadada ah sida“geesi xiniinyihisa iyo wadnahisa isi saaran yihiin. Cabdiweli Harvard University ayuu kasoo qalin jebiyey, Saacidna Kulliyada Lafoole iyo doqon ciirta ruxa, waan goosaneynaa iwm”. Waa ayaandarro weyn, Xasanow waxaad toosisay fidno huruday oo layska iloobey, barnaamika Xuska Xasuuqii 91, wuxuu horseedayaa: in Isaaq xuso xasuuqii 1988-90 saraakiisha Daarood u geysteen, in Hawiye xuso gumaadkii Cabdullaahi ka fuliyey Gobolka Banaadir 2007/9 ee loo adeegsaday Maleeshiyada Dhafoorqiiq iyo Ciidanka Itoobiya, in Raxanweyn xusto xasuuqii iyo boobkii SNF ay ka geysteen dhulka Digil iyo Mirifle, in Banaadiri xusto hantidii laga bililiqeystay, in Jareer xusto dhulkii jiinka wabiyada ee laga xoogay, in Gabooyuhu xusaan bahdilka iyo darxumada taal xaafadda Daami ee Hargeysa. Xusku waa isdaba-joog. Fidno madax la qabtey leedahay ee majo la qabto maleh”. Sanadihii (2007/9) ee dagaalku ka socday Banaadir waxaa la sheegay Maleeshiyada Dhafoorqiiq inay ku heesayeen “burburka Banaadir waa baraaraha Puntland”. Sidoo kale Cabdullaahi Yuusuf waxaa laga soo xigtay inuu ku tooqay “Tekniko waxaan Bakaaraha u diray iyo tuugo la hubeeyey, in tolweynaha Hawiye sii taajirey tii aan rabay maaha. Tigree haddaan keenay iyo toban kunoo qaawan, Hawiyena Utaango uusan tegin tii aan rabay maaha”

Jabkii dagaalkii 77 ilaa maanta Somaaliya waxaa ka socda xasuuq, barakicin shacab iyo burbur hanti, waxaan ku xusisinayaa shan todobaatan. 10/02/1991 dugsiga sare Maxamud Axmed Cali ee degmada Kaaraan waxaa lagu xasuuqay 70 nin oo Galgalo ah. 26/02/1991 Gaalkacyo waxaa lagu xasuuqay 70 oday. 12/09/1992 xarunta ADC Xamar waxaa lagu xasuuqay 70 nin. 12/07/1993 guriga Cabdi Qeybdiid UNOSOM waxay ku xasuuqday 73 qof (rag iyo dumar). 04/10/2011 Hargaha iyo Saamaha waxaa lagu xasuuqay 70 qof oo arday u badan. Xasanow sow ma habooneyn in la wada xuso xasuuqyadii dhacay oo dhan? Waxaad carrabka ku adkeysay 70kii Gaalkacyo iyo 70kii Kaaraan, inta kalena sooma aadan hadal-qaadin, gartay 70ka Gaalkacyo waa Kablalax, sababta aad 70ka Kaaraan u xustay ma waxaad aamintay magaca Nuux Maxamuud Suleymaan iyo sheeko baraleyda la allifay 1990-yadii? Xasanow xoolaha ayaa la sidkaa ee dadka lama sidko. Somaalidu waxay tiraahdaa “dhalasho iyo dhega geelna meeshooda ma dhaafaan”. Xasanow xusuuso gabaygii awoowgaa Sayid Maxamed ee ahaa “ixsaan lagama tago maandhow eed hadaad faliye”.

Abtigey Cabdiwahaab Xaaji Xuseen wuxuu ku celceliyey waan goosaneynaa.Laba nin ayaa safar dheer galay, habeen saqdhexe ayaa la daalay oo awrtii heeryadii laga rogay si loo nasto waxna loo cuno. Nin wuxuu qabay marwo gob ah mirihii jannada, waxay jiscin/sahay uga soo dhigtay“oodkac”nina wuxuu qabay habaar qabto aan hoygeeda la seexan, waxay jiscin/sahay uga soo dhigtay“salool”.Ninkii jiscinkiisu ahaa oodkaca ayaa kii kale ku yiri“war aan isku darsano sahayda”ayaandarro ninkii saloolka watay ayaa yiri “ninba sahaydiisa ha cuno”.Ninkii oodkaca watay ayaa yiri “ninba wax la hullaaban ee jiscinkaaga Alle haku barakeeyo”. Somaalidu wadajir iyo is weecaansi bey ku wanaagsan tahay. Somaaliyey yaan la hirgelin oo si adag halloo horjoogsado hinisihii iyo hal-abuurkii“RW Miles Zenawi”hindisahaas oo yoolkiisu ahaa “Building blocks & Lixland = Somaliland, Puntland, Midland, Bayland & Jubbaland”.

Somaalidu waa isu baahan tahay oo midnimada ayey ku wanaagsan tahay, laakiin haddii qolo is mahadiso oo ku hamiso goosasho waa laga maarmaa oo hanqaraarac lug uma hitiyo. Wax kastoo koonka ka dhacay waxay leeyihiin dhib iyo dheef isbarkan, dhan kasta miisaanku ha u batee. Qaranjabka Somaaliya ku dhacay 80% waa khasaaro ballaaran laakiin 20% waa faa’iido iyo wanaag. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo Majeerteen ku doodaya gooni-u-goosi iyo Federaal oo aan rabin xaq umad kale. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo guryihii qarni ka hor Sayid Maxamed ka dhisay Taleex in la arko Dhulbahante dayactiraya oo dhaqaalaha ahaan ku tiirsan NGO-ga Gurmad ee Saado Cali Warsame. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo Ogaadeen beero ka falanaya Godey iyo Qoraxay oo aan hortaagneyn Jubba & Curuba iyagoo Laaji ah. Waa Alle mahadi iyo wax lagu farxo haddii magacii eedda lagu galay ee ummadda lagu kadeeday lagu beddelay SAHAL. Allow SAHAL hantidiisa deeqsi, maankiisana ka saar hanqaltaagga iyo sedbursi doonka iyo is ballaarinta aan joogsiga lahayn.

Ugu dambeystii waxaan ku duceynayaa Somaali waa walaalo aan kala maarmine, Allow kor isugu gey ama hoose isugu keen. Nin la oran jirey Xaaji Axmed oo ganacsi ku lahaa Yaman iyo Somaaliya ayaa 1950-yadii fooq dheer ka dhistay bartamaha Xamar. Qadadii kadib Xaaji Axmed oo dabaqa sare hurda, waxaa albaabka soo garaacay rag bayhoof ah oo ka yimid miyiga oo Xaajiga ilma-adeer la ah. Ilaaliyihii wuxuu ku yiri “Xaajigu nasiino ayuu ku jiraaye markale soo laabta”. Raggii miyiga ka yimid waxay waardiyihii ka codsadeen inuu Xaajiga toosiyo. Wardiyihii oo ahaa Banaadiri aan ragga yimid aqoon wuxuu yiri “Xaajiga lama toosin karo oo wuxuu ku jiraa “dormire & riposare”. Oday raggii ka mid ah oo erayada af Talyaaniga ah ka carooday ayaa sacabada doogtay, wuxuuna yiri“tol baan-nahoo kalama maaranee, Allow ama kor isugu kaanna gee ama hoos isugu kaanna keen”. Ducadii odayga Alle waa aqbalay oo hantidii Xaaji Axmed waa dhaaftay oo hoos baa tolkii isugu yimid.

Sheeko taas la mid ah ayaa Somaaliya ka jirta. 1960-yadii goortii la helay gobanimada, habdhaqanka iyo heerka garashada beeluhu waa kala taqanaa, waxayna kala ahaayeen qolo qabyaaladda ku xeeldheer iyo qolo aan beydba ka aqoon. Si garaadka bulshada loo simo, Alle haka abaalmariyee macallimiin u dhalatay Puntland ayaa berrin kastoo udub aqal Somaaliyeed ka mudan yahay ka furay dugsi hoose ilaa jaamacad-Phd looga barto qabyaalada iyo qaranjabkeeda. 53 sano kadib Isaaq iyo Dir Waqooyi waxay ka qalin jebiyeen Bachelor, waxayna u gudbeen Master. Habargidir, Surre Dir, Xawaadle iyo Murusade waxay dhameeyeen dugsiga sare, waxayna u gudbeen jaamacada heerka bilaawga Bachelor. Abgaal, Sheekhaal iyo Gugundhabe waxay dhameeyeen dugsiga dhexe, waxayna u gudbeen dugsiga sare. Digil-Mirifle iyo Biyomaal waxay dhameeyeen dugsiga hoose waxayna u gudbeen dugsiga dhexe. Banaadiri iyo Jareer weli waxay ku jiraan dugsiga hoose. Anigoo soo xiganaya ducadii odayga, waxaan leeyahay Allow Somaali kalama maarantee kor isugu gey oo sida SAHAL qabyaalada quluubtooda ku beer ama hoos isugu keen oo sida Banaadiriga qabyaalada quluubtooda ka sifee.

AAMIIN YAA RABBI

CaliSh. Maxamed

sheekha333@gmail.com

Links:

http://www.youtube.com/watch?v=_tmPMEgPATA

http://www.youtube.com/watch?v=bhGdUpeqV9Y

http://www.youtube.com/watch?v=JfYnBhQZk1s

http://www.youtube.com/watch?v=Ah51O2-rx7M

Sunatimes: Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless
SUNATIMES CONTACT INFO
Political Chief Editor:
Abdi Mohamed
Email : info@sunatimes.com

Social Chief Editor:
Abdi Salan Abdulle
Email: abdisalan.abdulle@sunatimes.com

Sports Chief Editor:
Sunni Said Saleh
Email: sports@sunatimes.com

Radio Chief Editor:
Mohamed Osman Sheik
Email: radio@sunatimes.com

Senior news editor
Faduma Farah Ali
faduma.farah@sunatimes.com
--------------
Senior news editor
Hawo Abdulle Yusuf
hawo.abdulle@sunatimes.com
--------------------
Senior news editor
Muhiima Ahmed Mohamed
muhiima.ahmed@sunatimes.com
----------------------------
Senior news editor
Sahra Abdi Mohamud
sahra.abdi@sunatimes.com

COMMENTS ()
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
  • © Copy Right www.sunatimes.com 2009-2014 All Rights Reserved.
    Home | About Us | Site Map | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Contact Us