SAHAL WAA SANSAAN DAGAAL SOKEEYE

Published On: Friday, March, 01 2013 - 12:53:39 This post has been viewed 16645 times

Share this post on: or Else
Ma ogtahay belo kastoo Somaali beerka ka asiibtay waxaa laga unkay Mandaqada Puntland “kulli fidna cinda geel”. Ma ogtahay Somaali qabyaalada ka xuubsiibatay oo ku midowday halgankii SYL dadaalna ugu jirta mideynta shanta Somaaliyeed, in reer Puntland ku wacadfureen hadafkii SYL oo ay 22/07/1958 furteen Xisbigii SDU, munaasabadii furitaanka afmaal la oran jirey Cali Cilmi Afyare ayaa ka gabyey wuxuuna yiri “Habargidir hakuu taliso iyo Murusadoo tuuga iyo tima-qurmoonow Abgaal iyo toban hal Hiiraan ah. Tolla’ayey tacadi weeyaane, maxaan gabayga teelteeliyaa waaba teexd dhigaye”
Please click here to download the attached file

Bulshaan kala sareyn iyo sinaan baan sugeynee,

Sedbursigoo la suulshiyo xaqsoor baan sugeynee,

Saxalkoo dhammaadiyo sharaf baan sugeynee,

Gacmo laysi saariyo nabad baan sugeynee,

Sallaankii midnimadoo la kabaan sugeynee,

Seermaweydo hoortiyo xareed baan sugeynee,

Guryosamo la dego iyo barwaaqaan sugeynee,

Saadaashii may noqon oo saakey ka daran tahay,

Eebbow na samatabixi oo guusha hayna seegin.

W/T: Maxamed Warsame Tabantaabo

Ragga gabya ama wax-qora, qaar baa afeef iyo arar dheer ka hormariya biyodhaca, qaarna toos bey u abaaraan ujeedada, waa nin iyo dooqi. Qoraalkan oo ku saabsan 3 arrimood oo isbarkan ama isku dheehan, afeef iyo arar la’aan toos baan u abaarayaa yoolka, waxayna kala yihiin: (1) Qeexidda waxa loo yaqaan “Genocide & Ethnic/clan Cleansing”. (2) Durbaan colaadeeday daafaha dunida ka garaacayaan koox isku magacawday SAHAL. (3) Gaboodfalladii gacanta dowladda lagu fuliyey.

War la og-yahay xiiso maleh. Arrimahaan horaa looga hadlay, afmaal tiro badan ayaa suugaan qiime leh ka tiriyey. Qalinmaal ama qoreyaal tiro badan ayaa qoraallo dhaxalgal ah ka qoray, waxaa ka mid ah (Raaqiya Omaar, Maryan Cariif, Danjire Max’d Cismaan Cumar, Jaamac M. Qaalib, Xuseen Cali Ducaale, Xuseen Tansaniya, Nuuradiin Faarax, Ciise Salwe, M.M.Afrax, Axmed Jilicow, Cabdulqaadir Oromo iyo kuwo kale. Ajnebiga wax ka qoray waxaa laga xusi karaa: John Drysdale, Paol Tripodi, Maren Michael, Mark Bowden,Virginia Luling, Danjire Peter Bridges iyo kuwo kale).

Aadamigu inta badan wuxuu isla ogol yahay jiritaanka Allaha abuuray koonka, waxayse isku diidan yihiin habka loo caabudayo. Qaar baa aaminsan inay raaceen Nabiyaal Alle u waxyooday, kooxo kalena waxay aaminsan yihiin oo wax ku caabudaan nidaam ay dejiyeen: Gautama Buddha & Guru Nanak. Qof walba qumanihiisaa qoorta u suran. Burbur baaxad weyn inuu ku dhacay Somaaliya waa laysku waafaqsan yahay, waxaase laysku maandhaafsan yahay wixii colaadaha sokeeye ka curteen. Gabyaa Cabdi-dhuux wuxuu yiri “Somaaliya wey buktaa, bisteed weeyoo la hubi”.Somaaliya waxay la mid tahay qof qandho kulul hayso oo loo geeyey dhaqtar ay u muuqato calamadihii xanuunka symptoms” balse aan fahmin ama aan hayn warqadii qeexiddii sheybaarka“diagnose”. Qof kasta sida la quman ayuu u qeexay cudurka ku dhacay Somaaliya, balse aan soo gudbiyo aqoon iyo aragti sidey iila muuqato.

(1)Genocide & Ethnic/clan Cleansing:

Beryahaan waxaa aad loo hadal-hayaa gumaad & isir sifeyn “genocide & ethnic cleansing” la sheegay inay Somaaliya ka dhacday. Sheekadaan oo u eg been-abuur la buunbuuniyey waxaa faafiyey qoreyaal shisheeye oo malaheyga qol mugdiya warka lagu xafidsiiyey, dan kastaba halaga yeeshee. Dagaalladii Somaalida dhexmari jirey xeer bey lahaayeen oo waa laysu turi jiray, colaadaha adduunka ka jira marka la barbardhigo tan Somaalidu waa ka nastahnayd oo geyiga Somaalida lagama aqoon wax la yiraahdo “genocide & massgrave” oo kama dhici jirin dhibaatadii ka dhacday Ruwandha iyo Boosniya wax la mid ah. “Genocide iyo Massgrave” af-Somaaliga kuma jiraan, waxayse u dhow yihiin gumaad arxandaran ama xasuuq bahalnimo iyo xabaal wadareed.

Dagaalkii beelaha Somaalida ka dhex aloosmi jirey, dhowr sano markuu socdo ugu badnaan waxaa ku dhiman jiray ugu badnaan ama ugu yaraan 100 rag ah, dumar iyo caruurna lama dili jirin. Hase yeeshee dagaalkii 77 kadib ciidamada dowlada oo ku hubeysan hubkii qaranka iyo jabhado midabyo badan ayaa geystay xasuuq foolxun. Taariikhda Somaalida markii ugu horreysayxabaal wadareed lagu aasay dad tiro badan oo isku goob lagu diley waxaa lagu arkay Hargeysa. Sida la sheegay xasuuqaas waxaa geystay ciidankii qaranka iyo jabhado hadafkoodu ahaa kala aarsi qabiil, waxaana laga abaabuley madaxtooyada. Xabaal wadareedkii xigay wuxuu ahaa 14/07/1989, rag aan hubeysneyn oo tiradooda lagu sheegay 55 nin oo ahaa Isaaq ayaa lagu diley laguna aasay Xeebta Jasiira. Aragti ahaan waxaan qirsanahay “xasuuq bahalnimo iyo xabaal wadareed” inuu ku dhacay beesha Isaaq kaliya, hase yeeshee inta kale hubin taxadar leh iyo qeexid bey u baahan yihiin.

Teeda kale waxa loo yaqaan “ethnic/clan cleansing” oo hidde dhaqankii soo jireenka ah aan ku jirin, waxaa loo turjumi karaa isir sifeyn. Marka laga reebo Banaadiriga iyo Jareerka, Somaalida kale waa dad muuqaal ahaan isu-eg oo hal luuqad ku hadla, in laga helo calaamad beel-beel loogu kala sooco waa madhacdo, marka labaadna waa xidid iyo xasabo, xabiib iyo seedi ay u dheer tahay magangelin iyo maamuuska deriska. Dagaalladii Somaalida dhexmari jirey waxay sababi jireen kala qax iyo barakac ee marnaba ma dhalin jirin isir sifeyn la mid ah tii Carabta iyo Yuhuudda ka dhex dhacday 1948kii. Qax iyo barakac ballaaran oo la mid ah wax loo yaqaan exodus”taariikhda Somaalida saddex goor ayuu dhacay: (1) 1978-79 waxaa qaxay dhowr boqol oo Majeerteen ah. Markale 1988-89 waxaa qaxay dhowr kun oo Isaaq ah. Labadaas qax waxaa fuliyey taageereyaashii Siyaad Barre oo gacan ka helay ciidankii qaranka, hadafkii shacabka loo qaxiyey wuxuu ku saleysnaa difaac saldano, maxaa yeelay labadaas beelood waxay ka horyimaadeen kadeedkii Kacaankii Oktobar. (2) Qaxii labaad oo dhacay 1991-92 waxaa lagu barakiciyey dhowr kun oo isugu jirey (Daarood, Digil-Mirifle, Banaadiri iyo Jareer). Gaboodfalkaas waxaa geystay taageereyaasha USC iyo SNM oo wisiisaqay. Dhibaatadaas waxaa dhaliyey burburkii dowladii dhexe kadib, hub xad-dhaaf ayaa gacanta u galay dad 21 sano ku jirey kadeed iyo caburin oo ciil iyo caro karaar dhaaftay caloosha ku hayey. Waxaa taas sii dheeraa dowlad la’aantii waxaa ka faa’iideystay tuugo iyo wax-ma-garato shacabkii difaac la’aanta ahaa u geysatay dil, dhac iyo kufsi, xaaladiina waxay ku biyoshubatay “Saqajaan qori leh mooyee, nin kale silic ku noolaa”(3) Qaxii sadexaad oo koofurta Somaaliya ka dhacay 2007/8 oo xiriir la lahaa qaxii 1991/92 waxaa si ulakac ah oo kala aarsi qabiil cuskan u hirgeliyey Kornayl Cabdullaahi Yuusuf, madaxweynihii TFG oo adeegsaday Ciidanka Xabashida iyo Maleeshiyada Dhafoorqiiq.

Walow kala aarsigu haybad iyo sharaf ku yahay hidde-dhaqanka Somaalida, taarikhiyan ma dhicin masiibadii dhacday 1978 ilaa 2008 wax la mid ah. Somaalidu waa isku isir, isku af, isku diin, isku deegaan, xigto iyo xidid, deris iyo oodwadaag, gerger iyo garab-wadaag, gacal iyo gunno wadaag. Taariikhiyan waxay ahaan jirtay qowmiyad nasiib wanaagsan oo barwaaqo iyo baraare ku nool oo dugsata diinteeda iyo dhaqankeeda sharafta leh. Taariikhiyan waxay ahaan jirtay Muslimiin anshax iyo asluub wanaag lagu yaqaan, kuna caanbaxay martisoorka iyo magan bariinta, dhilleysiga iyo dhaqan xumadana waa ka dheeraayeen. Waxaa kaloo soo mari jiray marxalado ay ku nooleyd colaad, abaar iyo gaajo. Taariikhiyan dagaallada ka curta kala-riixashada khayraadka dabeeciga oo dalka ku yar waxay ahaayeen joogto. In lays dilo oo lagu diriro khayraadka dalka, Somaalida gaar kuma aha ee waa habdhaqan bini-aadamku ka siman yahay oo qaaradaha adduunka ku baahsan.

Somaalida oo waayadii ay miyiga ku noolayd xilliyada dhibaatada is kaalmeyn jirtay, kuna dhaqmi jirtay nidaamka ‘tol waa tolane’ iyo ‘tol xeer leh xantiir ma leh’, wixii mushkilad ka dhex aloosmana ugaasyada iyo culimada diinta ayaa ku xallin jirey shareecada iyo xeer dhaqan soo jireen ah. Ayaandarro 1960kii goortii la qaatay xorriyad aan loo bisleyn iyo dowladnimo aan aqoon loo la lahayn, waxay goroda la gashay jahowareer iyo nafaq madow “dark tunnel” welina waxay ku jirtaa TIIH iyo iska-daba-wareeg. Mushkilada maanta Somaalidu la ildaran tahay waxaa falkiyey siyaasi isku-sheeg saldano-doon ah, balse baaxaadegga siyaasadda iyo cilmiga bulshada lagu maamulo aan beydna ka aqoon. Qaranjabka Somaaliya ku dhacay ee qeyrkeed ka reebay waa seddax:(1) Siyaasad qabqable leh, (2) faragelin qorshe leh iyo (3) qaad sun leh.

Qabqable siyaasi ‘alamtara’ way soo dhaafeen, waxayna u qeybsameen koox hubeysan oo dalkii ku sii hartay iyo koox dibed-joog ah oo isku magacaawday “diasparo” balse guuxa dadweynuhu ku suntay “dayuus-baro”. Laga soo bilaabo 2006 qabqableyaashii gudaha joogay Rabbi garabkooda waa ka baxay, waxayna u muuqdaan gorayo gucdur gudeysa oo gabbal u dumay. Waxaa si fudud u suuldaaray kooxo afduuban oo Aayadaha Qur’aanka si qaldan u adeegsata; waa wadaado saaxada siyaasada Somaaliya ku cusub. Taariikhiyan Somaalidu waxay tiqiin hab loo daweeyo cudur kastoo noolaha asiiba, marka laga reeboidaha iyo wadaada. Sida badan subaga laga shiilo baruurta idaha ayaa lagu daweeyaa cudurrada, ha-yeeshee haddii iduhu bukoodaan daawo maleh. Sidoo kale dadka caamada ah ee colaadu ka dhaxayso, fidnadaas taagan culimada ayaa ku daweysa wacdi diini ah iyo waano islaamnimo cuskan. Sidaas awgeed murti baa leh cudurka wadaad ku dhacaa daawo maleh oo wuxuu la mid yahay wan bukooday. Waxaa kaloo la yiri “caamo dirirtay culimaa ka saarta, culimo dirirtayna, Caadilkaa kala saara” illaa Alle maalinta qiyaame kala xukumo ma heeshiiyaan.

Dadweynaha dalka gudihiisa jooga wax colaad ahi ma dhex taal oo dalku gees-ka-gees waa isu furan yahay. Dagaallada Somaaliya la degay waxaa daadihiye oo dabka-shida dhagar dhagarbeyaal diinta ku qaraabta iyo dibed-joog derajo doon ah, labadaas kooxood ayaa fidnada hormood ka ah. Gabyaa Yamyam wuxuu yiri “adoo Harar taagan Hargeysa xoreynta, waxaa ka haboon adoo halka jooga oo Kacaanka u heesa”. Qurba-joogta intey ku mashquuli lahaayeen dowlad goboleed iyo durbaan colaadeed, waxaa la gudboon inay muruq iyo maalba qeyb libaax ka qaataan dib-u-heshiisinta iyo dib-u-dhiska dalka.

(2) Durbaan Colaadeedka Kooxda SAHAL:

Qoraalkan kuma falanqeyn karo gaboodfalka ay geystaan kooxda loo yaqaan Alle-diid afduub,waxaanse si kooban ugu guudmarayaa dibed-jooga soo dira doollarka dagaallada sokeeye lagu socodsiiyo. Beryahaan kooxo isku magacaabay SAHAL ayaa shirar aan kala joogsi lahayn ka wada wadamada (Australia, East Afrika, Yurub, Woqooyiga Ameerika). Ajandaha shirarka looga hadlo waxaa ugu muhiimsan guubaabo iyo kicin qabiil. Waxaa kaloo ka mid ah isballaarin qabiil iyo caburin ku wajahan beelaha aan weli is abaabulin. Erayada xanuunka leh waxaa ka mid ah “Jubbaland halow Puntland, Jubbaland halow Jigjiga, Jubbaland halow Gaarisa”sarbeebtu waxay tahay dhulkaas halow is-yiri oo dhan waxaa iska leh SAHAL oo Somaalida kale ka sareeya. Magaca SAHAL sida la sheegay wuxuu ka taagan yahay (Sede + Absame + Harti + Awrtable + Leelkase) waa magac cusub oo aan si dhab ah loo aqoon sababta loo allifey iyo ujeedada laga leeyahay. Hidde-dhaqanka Somaalida kuma jirto in la nasaqo magic tol ama hayb qabiil loo yaqaan ee sababta loo beddelay maxay cuskan tahay? Waa su’aal Somaaliweyn dhextaal loona yahay in si taxadar leh looga jawaabo.

Walow aan weli ku jiro ka baaraandeg iyo baaris, garashadayda kooban magaca SAHAL wuxuu iila muuqdaa afar ujeedo in mid laga leeyahay: (1) Dagaalkii labaad kadib Jarmalka iyo Talyaanigu waxay fahmeen in adduunka oo dhan laga karhay magacyada “Nazi & Fascist”, lagama maarmaanna ay tahay in qaamuusyada caalamka laga masaxo. Sidaas oo kale qarniga 21aad in la garwaaqsaday magacii hore inuu la mid noqday “Nazism & Fascism”, lana joogo waqtigii laga xuubsiiban lahaa godobtii hore loogu galay magacaas xasaasiyada leh. (2) In la doonayo in la helo magac maldahan (cover and covert) oo hadda dakano horleh lagu galo. Kooxda Alshabaab ee hadafkoodu yahay tirtirista magaca Somaaliya, qofkii ku biira magacii hore waa laga beddelaa oo waxaa la siiyaa magac cusub oo la yiraah XARAKI(fadlan daawo wareysi laga duubay wiil ka mid ah dhallinyaradii Boosaaso ku dishey Sh. Axmed X. C/maan). (3) SAHAL inuu ku dhisan yahay quraafaad iyo curaafeysi oo la aaminay inuu ka burji wanaagsan yahay magacii hore. Kohaanno ku xeeldheer falaga iyo faalka inay hal-abuureen magaca SAHAL, ayna ku andacoodeen inay arkeen dayaxoo dirirkii la degay iyo dhergane ku mataansan garbaraar. Waxayse saadaashu u eg-tahay bilcaksi la mid ah, gabaygii ahaa “qabqable iyo afyuub faalkaan rogay qardhaastiisa, qoomamey dhaxlaan qoladii kibir is qaad-qaadaa. Beyd laaxig laguma naaloodo haddaan lo’ iyo naago loo dhigan”.Cabdi-Qays wuxuu ku yiri“markaan nin la gigay ka faashaday wuxuu sheegay nuur dhacay iyo naaf galbeedsaday” (4) Indha low ku yaal ma arkaan adinkooda ee in magac beddelidu ku wajahan tahay aragti riqiis ah oo la doonayo in la cuuryaamiyo Xawaalada SAHAL oo ay leeyihiin ganacsato Somaali ka kooban, si magaca xawaaladu ugu muuqdo shirkada qabiil leeyahay. Magac tol oo la beddelay waa arrin ugub ah ee bal aan dhowrno biyodhaca. Shaqsiyan qofku magaciisa waa beddeli karaa, laakin ma beddelo magaca aabihii iyo awoowgi oo waxay kasoo horjeedaa sharciyada caalamka.

Gabyaa Sangub wuxuu yiri “ha israacdo diidaye hays raamsatee daa”. Dagaalkii 77 kadib dalka waxaa ka jirey colaad madhamaato, in 2013 loo hamuun qabo dagaal cusub waa waalli iyo jiritaanka waddankaba halla waayo. Murti baa leh “Aafadii ilcadeeye qof kasoo doogay oo la cadaabay waa nacas”. Waxaa taas la mid ah qof soo joogay darxumadii dhacday isla markaana ka diir-naxaya qaranjabka iyo quusta taagan ee haddana afuufaya bigil colaadeed una jeel-qaba dagaal sokeeye, waa axmaq iduhu ka caqli roon yihiin. Caano daatay dabadoodaa la qabtaa ee maanta waxaa loo baahan yahay in dhaawacyada la dhayo, lana ambaqaado dib-u-heshiisiin si markale Somaalida kala irdhowday ay isugu soo hilowdo, heykal dowlad laga wada raalli yahayna ay u dhisato. Kolley arrinta SAHAL dad badan baa suugaan qiime leh ka tirin doona, waxaanse leeyahay:

SAHAL, ma aan kala sareyniyo Somaalida caburi baa
Jubba iyo Gedo ma sidig baa, saldhiguna ma Kenyaa
Saadaashuna ma dirir baa, Madfac iyo ma Zuu baa
Ma sagaashan-kow iyo seerigii colaadaa, 7 iyo ma jiib baa
Gantaalihiyo sawaariiqda heegani, sahankood ma Bari baa
Somaalidu ma hurudaa mise way siloon tahay

Nabadii sideysnayd, saldanadii raggii rogay,

Dembigii inuu suro, nimaan suulba ku lahayn

Sidu inay sidii tahay, sidii beri inay tahay

Raggiinaa sahwinayow, sakaarkiina yey gelin

Kala sareyntii Waamood, seben hore wixii jirey

Soo noqonba meysee, sidrigiina yey gelin !

“Bahal ceeriin ma daayo, SAHALna cunsuriya qabiil ma daayo”.Subax walba addunka wax cusub baa kusoo kordha. Iyadoo aan la yaabanahay shirarkii SAHAL, waxaan Youtube markale ka daawaday barnaamij lagu magacaabay “Xuska Xasuuqii 1991”laguna dhigay Toronto-Canada 28/01/2013. Markaan ka baaraandegay nuxurka barnaamijku xambaarsan yahay, waxaa igu dhacay anfariir iyo amakaag, qosol gariir iyo naxdin isku dheehan. Filimeyn 2013 in barnaamij noocaan oo kale ah lasoo bandhigayo, ayna jirto gocasho iyo ciilqab heerkaas gaarsiisan. Waxaan dareemay in dib loogu noqday 1991kii oo weli lala saqraansan yahay saar qabiil, dagaal sokeeye oo markale qarxana aan laga baaqsan karin. Dad badan baa madasha ka hadlay, waxaase dareenkeyga soo jiitay hadalkii dhowr qof meesha kasoo jeediyeen, gaar ahaan hadalkii Cabdiwahaab Xaaji Xuseen. Xaaji Cabdiwahaab wuxuu yiri “doqon ciirta ruxa in nala siiyo oo Ra’iisul Wasaare laga dhigo, yeelimeyno”. Marka hore waxaan leeyahay madaxtinimada Somaaliya boqortooyo beel u xiran maahan, marka labaadna waxaan jeclaystay inaan Cabdiwahaab xusuusiyo dhowr sheeko oo aad looga yaqaan geyiga Somaalidu degto, waxaa ka mid ah:

(1) Qowsaar baa geeli u ilaalin jirey nin hanti leh, geelu wuxuu ahaa aaf-daaq lagu bulsheeyo keymaha. Wiil qowsaarku dhalay ayaa geela wax ka ilaalin jirey, qowsaarkii waa dhintay, xilkii geelana waxaa la wareegay wiilkii oo aaminsan inuu geela ka dhaxlay aabihii. Milkilihii geela ayaa soo doontay geeliisa, waxaase u diiday wiilkii oo ku andacooday aabahey baan ka dhaxlay. Milkilihiii laba dhengadood ayuu wiilkii ku dhuftay, geeliina waa kaxaystay. Wiilkii oo ku waashay geela aabahey baan ka dhaxlay ayaa lagu naaneysay “Cali Geli ba’ay”.

Dhib iyo dheefba adduunku waa meerto, silic iyo darxumo laguma waaro,barwaaqo iyo baraare laguma waaro. Mar waa la dallacaa oo derajo saraa la gaara, marna waa la degaa oo dadweynaa lanoqdaa. Waa dunida iyo xaalkeeda oo waa harka labadisa gelin iyo hal galgalatay. Madaxtinimadu waa meerto oo marba koox baa qabata. Walow Somaalidu aysan weli u bisleyn “Maamul wanaag -- Good governance” marka laga shidaalqaato diinta Islaamka iyo nidaamka demoqoraadiyada, madaxdu waa adeegaha bulshada. Haddii madaxdu u dhaqanto ilaah-yare shacabku addoon u yahay, markaas waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyaha xilka haya hadduu iska dhaadhiciyo adiga mooyee qof kaloo mudan ma jiro oo geela baarqab kale kuma jiro, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Haddii hoggaamiyuhu tolkiis u qeybiyo mansab & maal wixii shacabku dhiibtay, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Hoggaamiyuhu waa qowsaarilaaliya geela shacabka, hadduu xilkaas loo igmaday si hufan u gudan waayo, markaasna waa CALI GEELI BA’AY. Waxaa haboon in laga faa’iideysto waaya-aragnimadii lasoo maray oo maanta laga gudbo “cadkaanow walee ku cunay ama ku ciideeyey”

(2) Boqor baa isku saacad waxaa u yimid inantiisa Barni iyo addoonkiisa Barre. Gabadhii Barni waxay tiri “aabbe addoonka Barre iibi oo lacagta isii aan dhego-dahab kusoo iibsadee”. Markii Barni ka tagtay waxaa u yimid Barre oo yiri boqorow Barni ii guuri waan jeclahaye. Boqorkii inta qoslay ayuu yiri “Barre iyo Barni waa ismaandhaafsan yihiin” dabadeed gabay baa laga tiriyey halkudhegiisu ahaa “ismaandhaafkii maan Barni iyo maan Barre mahadhadiisii dheh”. Waxaa lagu celceliyey hanti baa nalaka bililiqeystay, ha-yeeshee Somaali tiro badan waxay aaminsan tahay hantidii laga dhacay Xamar iyo Hargeysa in lagu dhisay Puntland, lagama maarmaanna ay tahay in xoog looga soo celiyo. Waa ismaandhaafkii Barre iyo Barni. Wadaad sujuudsan baa wariiri wejiga ka qaniinay, sidii wax dakano galay ma cararine meeshii ayuu iska meermeeray. Wadaadkii markuu salaadii ka baxay wuxuu yiri “wariirigu ma waalan yahay, inta wax qoomuu qunyar iska socdaaye”.Hashu geela iyadaacunta haddana cabaadda.

(3) Gaboodfalladii gacanta dowladda lagu fuliyey:

Intaas aan ararta ku hakiyo, una gudbo danta iyo ulajeedada mowduuca. Qoraalkaani maaha maqaal siyaasadeed, maaha murti iyo suugaan, maaha maaweelo iyo madadaalo. Sababta qoraalkaan igu kaliftey waxay tahay walaalaha ku shiray Toronto-Canada iyo kuwa ku tumaya durbaanka SAHAL inaan u iftiimiyo ama xusuusiyo dhacdooyinka taariikheed qaar ka mid ah, gaar ahaan godobtii lagu galay magaca dowlada ee reer Puntland horseedka ka ahaayeen:

Ma ogtahay Maarso 1964 Jineraal Maxamed Abshir, Boliis ka kooban Harti kali ah inuu u xilsaaray laynta iyo barakicinta Habargidirta Galgaduud iyo Hiiraan. Boliiskaas waxaa horkacayey: Xersi Cismaan Keenadiid, Maxamuud Caagane, Maxamed Jaamac Kosafaare iyo Khaliif Baadiye. 24/03/1964, Dhusamareeb waxaa lagu diley 17 nin oo doonayey kaliya inay doorashadii maalintaas dhacaysay codkooda ka dhiibtaan. Meydkii in la aaso waa la diiday, shacab tiro badan oo aan waxba galabsanna waa la xir-xiray, waxaase ugu xanuun badnaa nin iyo sodohdii oo wada qaawan in qol lagu xiray. Taliyihii falkaas geystay Khaliif Baadiye, naaneystiisii waxay isu beddeshay Khaliif Qaawiye. Dad layntii iyo qaawintii waa laga daray. Reer miyigii waa la barakiciyey, xoolihii oo dhanna waa la xareeyey. 3,000 oo halaad ayaa Matabaan lagu xareeyey loona diiday biyo baad. Maxamuud Caagane oo geel-dhacista loo xilsaaray ayaa xeradii geelu ku jirey yimid. Nabaddoon Sheekhdoon Cismaan ayaa ku yiri Maxamuud Caagane war Alle ka cabso ee geela baarka iska cunay biyo iyo baad u ogolaw oo xoolaha ciqaabta ka daa. Maxamuud Caagane wuxuu yiri “maanta anigaa Ilaahii Mataaban ah, geeluna xerada ayuu ku baqtinayaa”. Toban sano kadib Jabhadii lagu magacaabi jirey Daadcelis oo saldhigeedu ahaa Cabudwaaq duullaankii loo yiqiin Kibir-weerar waxay ku qaadeen beesha Cadaado, goobta lagu magacaabo God-dhurwaa 14/03/1983 waxay ku dileen 53 qof oo ay ku jireen Macallin dugsi iyo ardaydisii. 1964 iyo 1983 shacab ka qaxay Gobolka Galgaduud waxay baqa-cararkii ku tageen Adis Abab waxayna magangaleen cadowgii soo jireenka ahaa Xabashi.

Ma ogtahay xuukumadihii C/Rashiid & C/Risaaq in doorashada la musuqmaasuqi jirey oo kuraasta Baarlamaan la boobi jirey (tusaale: Dhusamareeb & Kismaayo) Kacaankii Oktobar 1969 ka hor Gobolka Jubada Hoose waxaa ka talin jirtay koox shacabka kadeeda, shacabkana waxaa loo qeybiyey dabaqad sare oo dulmi ku nool ah iyo dabaqad hoose oo silic ku nool ah (Harti iyo Hariifo, iyo Daarood iyo Giirgiir).Ganacsatada iyo shaqaalaha dowladu 95% waxay ahaayeen reer Puntland. Geel-jireyaal laga soo qoray Puntland ayaa canshuurta ka qaadi jirey suuqyada, waxyaabaha ay ku kici jireen waxaa ugu foolxumaa,haweenka caanaha keena tii dhaban qurxoon leh oo naaskeedu taagan yahay, waxaa laga qaadi jirey haruubka dhiisha, dabadeed waxaa haruubka la siin jirey nin reer Puntland, gabadhu markey casirkii ku laabaneyso gurigeedii miyiga waxaa lagu oran jirey haruubkaagii waxaa haya hebel ee ka doono, markey haruubka dhiisha soo doonatana waa la faraxumeyn jirey. Kufsiga haweenka iyo xadgudubka waxaa billaabay reer Puntland. Rag waxaa ugu liita arki-jiray doon iyo abaal-laawe. Shirarka looga hadlo Jubbaland waa riyo maalmeed, maxaa yeelay dadkii la kadeedi jirey ee lagu naaneysay Hariifo iyo Giirgiir maanta waa hubeysan yihiin oo hurdadii waa ka tooseen, xataa Wardey iyo Cawramaleh cadkooda lama cuni karo. “Raggii beri la saanyaday miyaa seymo bahal yeeshay”.

Carabtu waxay tiraah “kulli dawiil lahaa daraf” Wax kasta Alle wuxuu u qadaray waqti ay dhammaadaan. Si jirtay siima jirto oo gacansareyntu waa meerto. Abaartii daba-dheer 1974 dadkii la dejiyey Shabeelaha Hoose, qaxootigii 77 dadkii la dejiyey Woqooyi Galbeed, Hiiraan, Shabeelaha Hoose & Luuq. Abuuridii 18 gobol iyo magacaabistii 3 duq magaalo “mayor” Banaadir (Aburaas, Xasan Abshir Cabdullaahi Salaad) waxaa laga lahaa qorshe fog, waxaa la doonayey in caalamka laga dhaadhiciyo in Daarood “majority” yahay, mustaqbalkana gobol kasta xildhibaan Daarood ah kasoo galo Golaha Shacabka. Riyadaasi waa beenowday waana qeyb ka mid ah cunsurka dagaallada sokeeye. Ayaandarro markale ayaa riyadii soo laba-kacleysay oo Garoowe laga soo hindisay “Halow Jubbaland, Puntland, Jigigalanad & Gaarisaland”. Sow ma muuqato dagaal sokeeye oo markale qarax si loo tumo saarka ka dhashay waallida iyo walaahowga qabyaalada iyo isla weynida ku dhisan.

Ma ogtahay Kacaankii Oktobar 1969 ka hor, dalku wuxuu ka koobnaa 8 Gobol & 48 degmo. (40 degmo, DC & taliye saldhig Boliis waxaa ka ahaa saraakiil reer Puntland ah, Somaalida kale 8 degmo ayey DC & taliye saldhig k ahaayeen). Sidoo kale 8 Gobol waxaa Barsaab ka ahaa 8 sarkaal oo xigto la ah C/Rashiid Cali Sharmaake. Ma ogtahay 1967 Jineraal Maxamed Abshir inuu dallacsiiyey 71 sarkaal oo Boliis ah, 51 sarkaal waxay ahaayeen Daarood, 35 waxay kasii ahaayeen Majeerteen, xataa alifle Isaaq ah laguma darin raggii la dallacsiiyey, taasina waxay qeyb ka tahay gocashada Isaaq ku doonaayo goosashada maadaam la duudsiyey saamigii ay xaqa u lahaayeen. (Tixraac wargeyska Alyoom cadadkii 20aad ee soo baxay 07/09/1967) Qaranjabka iyo in qoys-qoys loo kala qaxo oo Somaali tusbax go’ay noqoto sababteeda waxaa iska leh reer Puntland, bal dhowrkaan dhacdo si dhugmo leh uguu fiirso:

Ma ogtahay horraantii 1990kii Cali Aar Xasan Cabdulle oo ahaa reer Galmudug inuu Barasaab ka ahaa Gobolka Woqooyi Bari, waxaa digniin lagu yiri Hawiye ayaad tahaye iskaga bax Boosaaso ma xukumi karti oo waxaad tahay reer hebel, digniintii markuu ka dhego adaygay, goor barqo ah ayaa xafiiska lagu toogtay. Isla 1990kii Xasan Cabdi Mayle (reer Hiiraan) iyo Maxamed Odawaa Cigaal (reer Togdheer) oo Gobolka Nugaal ka ahaan jirey Barasaab iyo DC ayaa lagu yiri ka baxa Nugaal, kadibna kabo la’aan ayaa laga eryey Garoowe? Ma ogtahay 1984 shacab iyo shaqaale Habargidir iyo Xawaadle wixii joogay Gobolka Jubada hoose in laga sifeeyey, kadibna iyagoo maxaabiis ah lagu guray jeelka Xamar? Waxaa ka mid ahaa Guddomiyihii Maxkamada Gobolka Cabdiraxmaan Xaaji Ereg oo hadda ku nool Minnesota USA. Ma ogtahay 1990kii Wasiirkii Arrimaha Gudaha inuu Gobolka Gedo Taar u diray kuna yiri ganacsatada Harbargidir ee Gobolka Gedo Meheradaha ganacsi ku leh hala soo raafo, kadib laga soo sifeeyey guud ahaan Gobolka Gedo.Ma ogtahay 1990kii shirkada Western Geophysicaloo shidaal ka baareysay Gobolka Sool, shaqaale ay Xamar ka qoratay in loo diiday inay ka shaqeeyaan riigii ku yiil rugta Holhol, kadibna la raafay oo Xamar dib loogu celiyey.

Ma ogtahayMaxamed Macallin Cagadhiig oo ahaa Ogaadeen Bah-Geri Taliyihii dooxatadii Daraawishiita aagga Hiiraan inuu Wabiga ku hafiyey dhowr boqol oo ka mid ahaa gaashaanqaadka reer Hiiraan. Ma ogtahay Qaxootigii 77 kasoo barakacay Somaali Galbeed ee la dejiyey Hiiraan in la hubeeyey lagana dhigay Maleeshiyo ka garab dirirta ciidanka dowlada. Waxaa kaloo laga dhaadhiciyey nawaaxiga Hiiraan inay leeyihiin oo awooweyaashood ay ku aasan yihiin, dhowr goobood oo ku yaal Galgaduud iyo Hiiraan ayaa lagu magacaabaa (Lafa Gumcadle, Makaahiil, ina-Med iwm). Iyadoo magacyadaas daliil ahaan loo cuskaday, Hiiraan waxaa lagu xudumay Ogaadeen. Qaxootigu iyagaa dagaal ka qeyb qaatay “qofkii tiin tallaala, timir ma sugo”.

Ma ogtahay Qaxootigii la dejiyey Woqooyi Galbeed in askar ahaan loo tababaray, si rasmi ahna loo dejiyey oo qaar ka mid ah xool nool loo iibiyey, warqadaha aqoonsiga ee teesaraha dowlada hoose Hargeysa la siiyey. Waxaa la qorsheeyey in la dhalanrogo qaab-deegaanka bulshada (demographic population). Qaxootigu waxay si firfircoon safka hore uga galeen dagaalkii ka dhacay Woqooyi. Ma ogtahay Jineraal Ogaadeen ah oo Hargeysa joogay inuu qaxootiga ku guubaabiyey dagaalka wada ilaa la gaaro “halkani waa Radio Hargeysa codka beelaha Absame”. Ma ogtahay shir ka dhacay madaxtooyada in beelaha Daarood isku raaceen in Daarood mideysan dagaal ku qaado Isaaq, walow sidii lagu ballamey aan qorshaha dagaalku u hirgelin. Ma ogtahay Daarood dowlad sheeganaya inuu xasuuqay Isaaq. Ma ogtahay xasuuqii, barakicintii iyo burburkii ku dhacay Woqooyi inay hormood ka ahaayeen 12 sarkaal oo reer Puntland ah oo adeegsaday ficil qabyaalad cuskan iyo kala aarsi, waxaa taliye ka ahaa Jineraal Morgan. Ma ogtahay xukuumadii Siyaad Barre inay beertay arami iyo uurkulla Somaali ka irdheeyey, qaxootigii la dejiyey Woqooyi Galbeed iyo Hiiraan lagu sagootiyey marti edeb-daran madfac bey mudan yihiin.

Ma ogtahay suugaan guubaabo ah oo qabiil lagu kiciyo in reer Puntland billaabeen. Beryahaan waxaa aad loo buunbuuniyaa Magool baa tirisay heeso kicin ah oo nuxurkoodu ahaa in Daarood la laayo. Waa kutrikuteen oo codkii Magool lama hayo, waxaase duuban (gabayo iyo heeso iyo baraanburo) qaar Youtube ku jiraan, waxaa ka mid ah: Guri Kismaayo ku yaal oo Daarood ku shiray, baraanbur lagu aflagaadeeyey Hawiye, laguna guubaabiyey Daarood waxaa ka tirisay Xaalimo Soofe oo weliba ku andacootay inay ka mid ahayd halgameyaashii SYL. Qof sheegtay horseedkii SYL inuu dagaal sokeeye ka qeyb qaato, waxay la mid tahay “haddii masaajidkii qayladu ka yeertay xaggee loo baxsadaa”? 1982kii koox laga abaabulay madaxtooyada oo loogu waqlalay “Ergo Daarood” ayaa loo xilsaarayinay goobta laga magacaabo Heylaanoo u dhaxaysa Ceerigaabo iyo Laasqoray ka dhisaan Taallo lagu magacaabay Qabrigii Daarood. Sida runta ah lama yaqaan meel Daarood ku aasan yahay oo horaa loo yiri “qabri Daarood iyo qaraabo Hawiye midna hore looma arkin”. Kooxdii qabriga soo dhistay waxay ku shireen madaxtooyada, waxayna tiriyeen gabayo xanuun badan oo mahadho reebay. Afmaaladii gabyey waxaa ka mid ahaa (Aadan Axmed Toosi Luquntaada oo u dhashay beesha Dhulbahante, kuna maansooday:

Hawiye daartii Hobyo ma iloobin iyo daqaradeediiye,

Waxaa Irir haatan loo dundumay waa dakano dheere,

Yaa Daarood Cismaaciil ahaay durugtay ceebtiiye.

Dudubliyo kulay riibi ku tahay lay dardaarweriye,

Tuni bey daandaansatiyo Begedi duurjoog ah,

Yaa Daarood Cismaaciil ahaay durugtay ceebtiiye.

Afmaal Majeerteen ah oo aanan magaciisa xusuusan ayaa ku xigsaday wuxuuna yiri:

Malkadii Caabuwaaq waxaa ka fulay Geelii Moorifley

Magac ba’aye mataanihii Daarood miyaa midba meel aaday.

WAA CAJIIB. Iyadoo dalka dowladi ay ka jirto ayaa madaxtooyada sidaas looga gabyey ee waa maxay sababta been abuurka loola daba taagan yahay Magool? Mise dadka cabanaya ee calaacalaya afkooda iyo dhegahoodu isma maqlaan?

Ma ogtahay14/07/1989kii ilaa 26/01/1991 dagaalkii Xamar ku dhexmaray Maleeshiyada USC iyo ciidankii dowlada, dagaalka oo ka dhaxeeya mucaarad iyo dowlad, Maleeshiyo Majeerteen ah oo ka faltameysay aagga Staadiyo Muqdisho iyo Maleeshiyo Dhulbahante ah oo ka diriraysay aagga Taleex inay dagaalkii weji qabiil u rogeen oo dadkii ay qabteen ay ku dhaheen “yaad tahay”. Ma ogtahay in Daarood ku dagaallamay nooc kastoo hubka ka mid ah sida: (taangi, BM, madfac, diyaarad iwm), Hawiyena ku dagaallamay (AK47 & RPG7) isla markaana goobta dagaalku ka dhacay ay ahayd xudunta Hawiye, sidaas daraadeed khasaaruhu u badnaa dhanka Hawiyaha, qiyaastii 70% iyo 30%.

Ma ogtahay 1990kii Taliyihii XDS Jineraal Moorgan inuu mas’uul ka ahaa xasuuqii iyo barakicintii ku dhacday beesha Galgalo. Moorgan wuxuu hubeeyey koox Galgalo ah oo lagu barxay koox Majeerteen yaryar ah, waxaa amar lagu siiyey inay ciqaab iyo cunaqabateyn saaraan deegaanka Abgaal oo wado kasta laga xiro, markii ceelashii biyaha iyo wadooyinkii laga xiray, waxaa loo raaciyey bililiqeysi iyo kufsi laga simay haweenkii gabadh iyo gambooleeydabadeed nin Galgalo ah ayaa ku shirbay “Gaadiidku ha kuu gudbee u galliin Geeda Qorow. Gus Galgalaa kugu socdee ha ku galee garaarka goy”. Maxaaseka --- akhri PDF file

Fiiro gaara:Comments ayaad ka bixin kartaa halkaan hoose adigoon caaytamin,hadii caay aad gashid waan delete gareeyn doonaa qoraalkaada.

Sunatimes: Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless
SUNATIMES CONTACT INFO
Political Chief Editor:
Abdi Mohamed
Email : info@sunatimes.com

Social Chief Editor:
Abdi Salan Abdulle
Email: abdisalan.abdulle@sunatimes.com

Sports Chief Editor:
Sunni Said Saleh
Email: sports@sunatimes.com

Radio Chief Editor:
Mohamed Osman Sheik
Email: radio@sunatimes.com

Senior news editor
Faduma Farah Ali
faduma.farah@sunatimes.com
--------------
Senior news editor
Hawo Abdulle Yusuf
hawo.abdulle@sunatimes.com
--------------------
Senior news editor
Muhiima Ahmed Mohamed
muhiima.ahmed@sunatimes.com
----------------------------
Senior news editor
Sahra Abdi Mohamud
sahra.abdi@sunatimes.com

COMMENTS ()
Ahmed Abdulahi says: Saturday, March 02, 2013 at 12:42:29
Ac waan salaamayaa dhamaan umadda afka soomaalyeed ku hasha salaan ka bacdi waxaa qof walba la weydiin doonaa waxa uu geysto ama af ha ka geysto ama gacan hadaad walaal soo sheegtay umad lagu ibtileeyey walaahood oo soomaali ah iyaga ayaa xisaabtaas qaadaya iyagoon qabiil ka turjumayn balse adigu ma xisaabisay waxa aad soo sheegtay waxaa fiican inaad is waansato adigu oo umada aadan kabo u gelin runtiina umaba gelin kartid oo qof walbaa waa la socdaa meesha maanta somali taalo ama waqooyi ha dego ama koonfur ha dego.waxaan malanayaa nin yar inaadan ahayn waayo waxan aad ka sheekeynayso xiligoodii wax la garan karo maaha waayo wax la qori jirey maaha hadaad soo taagneyd beladan adna kama madhneyne ee qaybtaada qaado markaad leedahay meel dhowr boqolbaa qaxday meelna kumaakum ilaahaybaa xisaabtaas meeshaad ka keentay ku weydiinaya.tan kale umada aan ka dhashay ee somalyeed walaal ilaawa waxii ina soo marey xiligii uu doono haka soo bolowsee kaasoo kale ha dhegeysanina.kuwa wax xun ku shirana iyagey u taalaa.wc
Jeeyoos says: Saturday, March 02, 2013 at 11:51:50
Asc walaalkiis waad mahadsantahay waxaanse kuugu kordhinaayaa qoraalkaaga in nin Gaalgalo ah oo kald ahaa ciidamadii Jeneral Moorgan uu meesha layiraahdo Qoriloow ku kufsaday gabar 13 jir ah oo uu dhalay macalinkiisii dugsi qur'aanka ayadoo uu lasocdo aabeheed dabadeedna inta uu camaamaddii macalinka qaatay iskaga nadiifiyay dhiigii gabadha yar kayimid iyo wasaqdiisii kuna yiri macalinkiisii iyo umaddi kale ee Gaariga saarneey, Gabadhu hooyadeed weey kanasiibbadantahay oo waxaa galay Gus Gaalgalo, waakan arin marqaatileh oo aan been abuur eheeyn.
Fahma says: Saturday, March 02, 2013 at 06:08:31
Asc wrwb aad ayaa ugu umahad san tahay runta magacaan SAHAL wuxuu la mid yahay ano muraayada intaan is taago iska dhaadhiciya in CALI la iyiraahdo mida kale waa NIN BA DHAN U BADI wixii faan iyo riyo ah na ayagaa ku badiyey rag is barasha doodana 1990 waala is bar tay illaa hadana waa la isu og yahay diyaar garoow na 4 baraanbur ka dib jawaab cad ayey na sinayaan wiilasheena allaha dhow ree tan ah guryo aya nalaga hes taa aboow waa uga dhagan tahay habar,, oday,, nin yar,, hada tiraahdana gurigiina xafadee ah intaan ayey ku shegayaan bangaariyada,,african filej,,caymiska,,if iyo aakhiro iwm ar yaa islaam ah war giyahaas shaqaale ayaa la dajiyaa mana aha guryo shacab waxaan ku dheraaday comment sorry ugu dan been tii naagahooda iska daaye ragoodaan meel saar naa
Abraar says: Saturday, March 02, 2013 at 03:08:04
Inta Magool oo aan la hayn meel ay hees gubaabo qabiil ku qaaday la hafrayo, maxaa loo arki waayay oo looga hadli waayay Saado Calidaan meel walba guubaabada qabiilka la taagan ee haddan calanka somalida soo huwatay si ay isooga dhigto waddaniyad, gabadhan marka hore calankan ha laga dhigo anagu carruur ma nihin waan garan karnaa waxay al ordaysee
Cabdiraxmaan says: Saturday, March 02, 2013 at 01:56:06
aragtida waxaan la qabaa qaran-doon oo tacliiq wacan ka bixiyay ee waxaan ku darsanhayaa sxb adiguba mid yar kuguma jirtee ilaah hanoo gargaarokkk waayo qoraalkaadu waa dinbilo iyo naar.
Bugle says: Saturday, March 02, 2013 at 01:02:20
Mohamed arole waxaa uu yiri Tiir ley mudya iyo Ilaah tiisi noqotaaba. Nimankii tukaamada lahaa tacab wadaagnaaba. Midkaloo an moogahay Ilaah igu taliyaaba. Inta diinta toobtiyo ardada laygu tiriyaaba. Majeerteen intay talinayaan tii ku noon mayo. Brother every dog has a day. Remember markaad gummy sigma ku weerareyseen dhul hawiye, Isaaq iyo digil iyo mirifle. Maanta adkeysta rag waa kii dulqaato sidii and shalley dada yeesheen leydin yeeli maayo.
Ahmed says: Saturday, March 02, 2013 at 00:47:21
Asc aad baan u salaamay ninka maqaalkan qoray,waxba kama aanan qorin ,laakiin aad baan u dhibsaday ,soomaali badanna u dhibsatay ,ururka sahal iyo hadaladiisa ,waxaase qoraagu uusan u fiirsan dhabta ururkaas ,isaga oo sida aan u fahmay ka diday xuruufta erayga oo sida dacaayad ah macne qabiil loogu yeelay iyo dadka ururka ka dhexmuuqda oo saas u ekaan kara. waxaase ayaan darro iila muuqata ninka maqaalka qoray waxa ka soo butaacay oo kuwa uu wax ka sheegayey kasii liita. waxaa muuqata inuu kollay dillaaci lahaa xitaa haddii uusan helin kiiska "sahal" ,wax walba iyo taariikh walba oo wanaagsan oo soomaali dawladaheedii soo mareen wuxuu ka dhigay waxaan jirin ,wixii qalad ahaa ,oo sida dhici karta dhacdayna wuxuu ka dhigay in qabiil iyo qabyaalad looga jeeday. ninka soomaaliya saas ula socda oo intaas oo arrimo jiray ah soo qaaday ,runta fiicanna waa og yahay baan qabaa ,laakiin carro qof walba uu ka carooday "sahal " buu go'aansaday inuu midi -middi ku taalo ,oo xaqiiqadii daaqadda ka tuuro. qoraagu ha ogaado -afar wiil oo ujeedo siyaasadeed leh ,qoys gaar ahna (maamul gaar ah) danihiisa dibadda u jooga ,oo loogu talogalay ,inaan koonfurta soomaaliya degin inay say doonaan helaan mooyee-marnaba dagaal sokeeye ma abuuri karaan ,laakiin adigoo kale oo aan haadka hubsan ,oo buun la bood ah ,dadka oo dhanna si fudud u wada eedaynaya ,baa shaki iyo xumaan abuuraya . waxaan ku oran lahaa:sahal waxay rabaan ha u sahlin adigu -aadna ugu hubso kuwa ay yihiin iyo waxay rabaan .
Guroow says: Saturday, March 02, 2013 at 00:28:38
WAXAAN KA YABANAHY NIMANKA QORAAG ISKU SHEGAAYO OO AYAAGA ISKU CAMIRAAY QORA MARKAD TAHYA KA DHEROOW KA BEEN SHEGIDA TARIQDA WAAYO WAXAAD QORATY WAA LAGU QOSLAYAA EE SXB ANAAG WAAN NAQANA QORA NIMADA TAN KALE DADKII DOWLADA LEYSAY AYAAD SHEGEYSA EE MAD SHEGTIID DADKII DAAROODKA LAGA DILAY OO WABIGA LAGU GURAY IYO DADKII QOXOTIGA LA GALIYAAY OO SOMALIYA OO DHAN LAGA ERYADAY IYO DADKII MATIDAD HAWIYE LAYAAY OO KU DILAY XAMR DHEXDEEDA MAXAD UU QORI WEYSAY HAWIYAHA WUU IS LAYAAYY OO WUU IS XASUQAY DAROODNAH HALSANO AYEEY XASUQEEN HAWIYENAH 20 SANO AYUU IS XASUQAYAAY WAXA UU HAWIYE KA QADAY BOOB ILA HADA AAY QOFFKALE SHEGAN KARIIN JAGO KII SHEGTA AAY AFKA GOOSANYAAN MEQO AYAA JIRAN HEYADOOD OO HAWIYE LEYAHYA
Dhoodan says: Saturday, March 02, 2013 at 00:13:03
Asc kdb daahir calasowow wan ogaa inad CUQDAD AABAHED tahay wa lahuba wax fiicanna lagagama baranin sida darteed qabyaaladan aad sida QUR'AAN KA kariin ah uxafiday allaha kacaafiyo inaad beelaha somaliyeed malinba mid saarato kuna caytanta ayad mareegtan ufuratay wax badan o aan munasab aheyd ama aan lobahneyn hada ama laga yimid ayad is dhexdaadisay wad kudheeratay o malaha cadiifad aya kulatagtay marka ninkagan daahir calasow adigu wax walba wad kaxuntahay in lagu amaano ayan jeceshahay sidan grty DAAHIROW DAREENKAGU WA MIDAN DAHSONEYNE WA MIDAN DARYEEL WADANI DIBINTA SAAREYNA DIB UNOQO DUCFI IYO WA KUWA MALAH DAYR WEYNE
Abdirahman says: Friday, March 01, 2013 at 23:08:48
Qoraalkaagu waa mid saxawaxbadana waad katagtay oo ay gaysteen kooxda is ku magacawday sahal. Xasuuq badan ayaa meesha kamaqan oo ay kala gaysteen Dhagabacayr, Gacma gooye. cismaan fatiig, gaani, morgan iyo raqg kaloobadan. aroodigu takarta saaran ma arko ee wuxuu had iyi jeer arkaa mida saaran maroodiga kale. mahadsanid
No Comments Available 2   Next »
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
  • © Copy Right www.sunatimes.com 2009-2014 All Rights Reserved.
    Home | About Us | Site Map | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Contact Us