Hadii la maqli jiray Amisom oo Muqdisho madaafiic u qeybisay waxaa bedelay Madaxweyne gobolada??

Published On: Wednesday, February, 06 2013 - 12:12:29 This post has been viewed 12335 times

Share this post on: or Else
Miro gunta kugu jiro miro geed saran looma daadiyo

1.waxaan ku bilaabayaa Madaxwayne Gurguurte, Madaxwayne adiga ayuu ilahay ku qoray in aad ka noqotid Madaxwayne Dalka lakiin sababta aad madaxwayne ku noqotay waxaa weeye siyaasiyiintii kula tartamaysay oo dhamaantood loo arkay in aysan dadkan iyo dadka wadi karin marka laga reebo in adiga ilaahay ku qoran maanta. dadkii ku doortay wax yabaha ay kugu doorteen waxaa ka mid ahaa, war ninkan cusub ee aan la aqoon aan tijaabino waxaa dhici karto in uu ilahay noo barakeeyee,inta mid la yaqaan dhibkiisa wax loo dhiiban lahaa.

Maxaa ka danbeyay?waxaan idaacadaha ka maqli jirnay shacabka muqdisho kunool oo ka cabanayo diidamada AMISOM kuna eedaynayo in ay magaalada madaafiic u qaybiyaan habeen iyo maalin. hada madaxwayne adiga waxaad badashay AMISOM oo waxaad madaafiic u qaybisaa shacabka soomaliyeed ee ku nool gobalada dalka. sida reer jubaland,reer khaatumo reer galmudug iyo iwm. hadii aan soo koobo sababtaad ugu qaybisay. reer jubaland adiga ayaa afkaaga ka sheegay in reer jubbaland maamul ayna samaysan karin reer baladwaynane samaysan karaan!,reer galmudug oo maamul ahaa oo madaxwayne doortay ayaad waxaad ka daba tuurtay Abdi qaybdiid oo aan la soo dooran,! reer khaatumo oo 22 sano gumaysigii ingiriiska kula dagaalamayay samaliland, 22 sanane kula dagaalamayay beesha SNM intaane dagaal ugu jiray siday wadanka somaliya iyo dadka somaliyeedba karamadooda iyo midnimadooda u ilaalinayeen ayaad adigoo 2 bilood xafiiska joogo u hanbal yaysay Siilaanyo iyo beeshiisa oo 22 sano gumaad,cabudhin iwm ku hayay shacabka reer khaatumo iyadoo waliba xabadii ay socoto. maahmaah ayaa dhahaysay (midho gunta kugu jiro midho geed saaran looma daadiyo).

Maxaa Madaxwaynaha lagu bartay?waxaa madaxwayne lagugu bartay hadal is burinayo. waxaanad ogaataa waraysi kasta oo aad bixisid in aad kulumisid kumanaan shacabka somaliyeed ah oo awal ku taageersanaa. waxaad kaloo ogaataa in ayna waxba ku qarsoonayn hadii aad is lee dahay waxbaa ku qarsoon oo aad hareeraha iska dhigtay dad aad hayb ku soo catay, horaa loo yiri Somali ilahay uma ceeb qarinin taasoo looga jeedo Somalida in aysan sir lahayn oo waxuu qofkasta ku hadlaa ama ku fikiraa markiiba in uu suuqa yaalo.

2.wasiirka koobaad ee Saacid waxaan u soo jeedin lahaa in la wada shaqeeyo aad bay u fiican tahay lakin waxaa fiican in shaqada la kala leeyahay oo qof walbo xaqiisa qaato. mudane Saacid wadanka iyo shacabka somaliyeed meeshuu marayo maanta iyo sida aadan uga dhex muuqan ismalaha. intaan xasuusa nahay waxan shashada ka aragnaa adiga dad la afduubay xafiiskaga ku qabilayo,adigoo gudi u magacaabayo gabadh la kufsaday iwm.miyaan la odhan karin shaqada hada aad qabatid waxaa iska leh dad kale oo kaga haboonaa? taadiina dad kale ayaa hayo?waa iga su,aal.

3.Wariye yaasha ka howl galo idaacadaha VOA da BBC da iyo T.V yada afka somaliga ku baxo. waxaan kula talin lahaa inay aduunka iyo wadamada ay joogo wax ka bartaan sida ay saxaafada madaxa banaan u shaqeeyaan, oo ay ka gudbaan nin jeclaysiga,qarinta runta,hadalka oo lala gabado sababtoo ah wariyuhu markuu qof madax ah waraysanayo waxuu matalayaa shacabka waxaa loo bahan yahay in dadka dhagaysanayo ay dhahaan alaylehe su,aashaan rabay wariyaha ayaa waydiiyay qofka markaa la waraysanayo. tusaale dhamaan wayiyaashii waraystay madaxwaynaha waxay ka sinaayeen su.aalo isku mid ah from USA to U.K oo dad badan is waydiiyeen madaxwaynaha ma hal mar baa la waraystay?waxay ka sinayeen wariyayaashii (hebel iyo hebla maxaa ka wada hadasheen?,nabad galyada wadanka maxaaa ka qaban doontaa sida aad horay u balan qaaday? maxaa ka cod satay hebel iyo hebla?)iyo su,aalo kuwaa la mid ah oo dadku ayna xiise u haynin

Sunatimes: Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless
SUNATIMES CONTACT INFO
Political Chief Editor:
Abdi Mohamed
Email : info@sunatimes.com

Social Chief Editor:
Abdi Salan Abdulle
Email: abdisalan.abdulle@sunatimes.com

Sports Chief Editor:
Sunni Said Saleh
Email: sports@sunatimes.com

Radio Chief Editor:
Mohamed Osman Sheik
Email: radio@sunatimes.com

Senior news editor
Faduma Farah Ali
faduma.farah@sunatimes.com
--------------
Senior news editor
Hawo Abdulle Yusuf
hawo.abdulle@sunatimes.com
--------------------
Senior news editor
Muhiima Ahmed Mohamed
muhiima.ahmed@sunatimes.com
----------------------------
Senior news editor
Sahra Abdi Mohamud
sahra.abdi@sunatimes.com

COMMENTS ()
Qoslaaye says: Wednesday, February 06, 2013 at 18:38:36
war yaa alle yaqaanoo Garguurte naga qabtaa
Aniga says: Wednesday, February 06, 2013 at 17:18:21
Assalaamu Calaamanittabacl-hudaa: Waxaan oran lahaa dee ninku xor maahee hala yaabina, waayo waad ogtihiinoo maahmaah baa ahayd 'NINKII QUUDKAADA HANTA AYAA AAYAHAGAANA HANTAY' Dhaqaaliha & Awooda ay ku shaqayso dowladda iyadu ma lahee shisheeyaa leh.
Suleeqo says: Wednesday, February 06, 2013 at 17:07:09
waar iskadaa madaxda sharaftaleh ood kudhagantahay had iyo jeer saas laguma noqdo suxuufiye jaahilyahoow qabiiliistahaa cay adeerkaa xayawaaan faroole
Aniga says: Wednesday, February 06, 2013 at 17:05:29
Assalaamu Calaamanittabacl-hudaa: Waxaan oran lahaa dee ninku xor maahee hala yaabina, waayo waad ogtihiinoo maahmaah baa ahayd 'NINKII QUUDKAADA HANTA AYAA AAYAHAGAANA HANTAY' Dhaqaaliha & Awooda ay ku shaqayso dowladda iyadu ma lahee shisheeyaa leh.
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
  • © Copy Right www.sunatimes.com 2009-2014 All Rights Reserved.
    Home | About Us | Site Map | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Contact Us