Maxaa sababay in Mareykanka ka jeesto Somaliland?

Published On: Tuesday, January, 22 2013 - 10:05:37 This post has been viewed 9138 times

Share this post on: or Else
Somaliland maanta waxay ku qasban tahay inay hoos tagto Dowladda dhexe ee Somalia maxaa yeelay waxaa laga soo xiray dhamaan albaabadii Caalamka.

Hargeysa (Sunatimes) Sida Wikileaks faafiyay Mareykanka waxay ku taliyeen in Somaliland loola macaamila sida Falastiin taas oo ku beegneed ka hor xilligii doorashada 26 June 2010 hasse yeeshee markii uu Xukunka Madaxtooyada ku guuleeystay Ahmed Siilaanyo waxaa guud ahaan burburay xiriirkii Wanaagsanaa ee Xukumadda Washington iyo Somaliland.
Hadaba Isweydiintu waxay tahay maxaa xumeeyay Xiriirka labada dhinac?
1- Madaxtooyadda Somaliland oo Safaaradda Mareykanka ee Addis Ababa uga jawaabi diiday sababta Golaha Wasiirada lagu daray shaqsiyaad ku eedeysan falal argagixiso.sida Wasiirka Madaxtooyada Xersi Xaaji Cali.
2- Sababta Ciidamadda iyo Gawaarida Gaashaaman ee Somaliland u xasuuqeen dad u dhashay beesha Dhulbahante ,iyadoo Taangiyada Somaliland difaacayeen beesha Madaxweyne Siilaanyo oo dooneysay in Baraago ka qodato degaankaas.
Qodobkaan wuxuu la xiriiray Dacwada Shacabka SSC u gudbiyeen Safaaradda Mareykanka ee Nairobi.
3- Safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo mudo dheer ka sugeeysay Madaxtooyadda Somaliland inay faahfaajhin ka bixiyaan Dilkii lagu xasuuqay Seemaal dad Shacab ah oo guryahooda hurday kuwaas oo qabiilka Samaroon ama Gadabuursi u dhashay .
Madaxtooyadda Somaliland kama jawaabin Kiiska dadka lagu laayay Seemaal,waxaana Safaarada Mareykanka taal warbixin ay gudbiyeen bulshada Gobolka Awdal.
4-Madaxtooyadda Somaliland oo diiday inay faahfaahin ka bixiso sababta qasabtay in dadkii Abaaraha gobolka Awdal la gaarsiin waayay Macaawinada Caalamka ugu deeqay.
5- Xarigii Madax dhaqameedyada ee Boqor Buurmadoow iyo Boqor Raabi oo Madaxtooyadda Somaliland ka biyo diiday inay faahfaahin ka bixiso ama Xabsiga laga sii daayo.
6- Tacadiyadii lagula kacay Gudoomiye ku xigeenkii Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabduqadir iyo sababtii qasabtay in laga reebo Diyaarad uu Muqdisho u raaci lahaa mar labaad.
Arrintaan waxay Safaaradda Mareykanka ee Nairobi kala xiriirtay Madaxtooyadda Somaliland iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland balse dhamaan waa ka aamuseen.
7- Caburintii Saxaafadda iyo Xiridii Suxufiyiinta madaxabnaan ee sida sharci darada lagu xir xiray.
Qodobkaan mudo dheer ayey Safaaradda Mareykanka ee Nairobi kala hadashay Maamulka Siilaanyo balse halkii laga sugayay inay joojiyaan Caburinta Saxaafadda madaxabanaan waxay sii laba laabeen tacadiyada ,tani waxay qasabtay in Gudigga difaaa Wariyeyaasha dunida ee CPJ dacwad u gudbiyo Xukumadda Washington.
7- Mareykanka wuxuu Somaliland ka heli jiray Macluumaad Sirdoon hasse yeeshee xogahii ay heli jireen ayaa meesha ka baxay tan iyo markii Dahir Reyale ka degay kursiga Madaxtooyadda,
8- Hay''adaha Arrimaha gudaha,Arrimaha dibadda,Nabadsugida iyo Madaxtooyadda Somaliland ayaa si wadajira waxay Dowladda Mareykanka ugu gudbiyeen in Hogaamiyahii SSC Saleebaan Xaglatoosiye ka tirsan argagixisada Al-Shabaab hasse yeeshee markii dhaqaalahiisa la xanibay ayey u magacaabeen Wasiir?
9-Doorashadii golaha degaanka oo ku dhamaatay Xasuuq iyo Musuqmaasuq sababay in Gudoomiyeyaasha Ururadii tartamayay dacwad u gudbiyaan Mareykanka sida Fawsiya Xaaji Adan oo aheyd Gudoomiyihii Ururka NDB, Gudoomiyaha Ururka Xaqsoor Xasan Ciise Jamac,Gudoomiyaha Ururka Umadda Dr Gaboose.
10- Dowladda Mareykanka oo ka argagaxday arxandaradii Ciidamadda Somaliland u laayeen shacabkii Somaliland ee Hargeysa,Borama iyo Saylac iyo beelaha Arab,Samaroon iyo Ciise oo dacwad u gudbiyay Safaaradaha Dowladaha waaweyn ee Caalamka.
Tobankaan qodob ayaa sababay in Mareykanka uu ka jeesto Somaliland maadama hanaankii Dimoqoradiyada isu bedelay Maamul ku dhisan Kaligii talisnimo.
Somaliland maanta waxay ku qasban tahay inay hoos tagto Dowladda dhexe ee Somalia maxaa yeelay waxaa laga soo xiray dhamaan albaabadii Caalamka.
Madaxweynaha Somaliland Mr Siilaanyo xilligii uu hogaaminayay Jabhadii SNM ayuu Mohamed Siyaad Barre la heshiiyay Dowladda Ethiopia kadibna waxay Xukumadda Ethiopia ku wargelisay Siilaanyo inay dhamaatay SNM iyo USC loona baahan yahay inuu Maleeshiyadiisa kala baxo degaanada Dalka Ethiopia.
Ahmed Siilaanyo ayaa Jabhadii SNM ku wargeliyay,wuxuuna ka codsaday inay ku laabtaan Xaduuda hasse yeeshee taasi waa laga diiday oo waxay dagaalyahanadii SNM ku adkeeysteen inay qaadi doonaan weeraro xoogan ,oo ismiidaamina.
Siilaanyo ayaa ku yiri " Aniga waa i xirayaan Xabashida ee haleey dhoofiya kadibna sidaad doontaan yeela"
Siilaanyo sidaas ayaa lagu geeyay Diridhabe kadibna uga dhoofay Ethiopia laakiin isweydiintu waxay tahay maanta muxuu sameeyn doonaa?

Sunatimes: Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless
SUNATIMES CONTACT INFO
Political Chief Editor:
Abdi Mohamed
Email : info@sunatimes.com

Social Chief Editor:
Abdi Salan Abdulle
Email: abdisalan.abdulle@sunatimes.com

Sports Chief Editor:
Sunni Said Saleh
Email: sports@sunatimes.com

Radio Chief Editor:
Mohamed Osman Sheik
Email: radio@sunatimes.com

Senior news editor
Faduma Farah Ali
faduma.farah@sunatimes.com
--------------
Senior news editor
Hawo Abdulle Yusuf
hawo.abdulle@sunatimes.com
--------------------
Senior news editor
Muhiima Ahmed Mohamed
muhiima.ahmed@sunatimes.com
----------------------------
Senior news editor
Sahra Abdi Mohamud
sahra.abdi@sunatimes.com

COMMENTS ()
Khadija says: Wednesday, January 23, 2013 at 08:11:40
odaygan siilaanyo waa tuug dadku waxay moodaan inuu SNM u raacey mujaahidnimo balse arintu saa mey ahayne wuxuu la baxsadey lacag uu laaluush ahaan uga qaatey marxuum Jirde Xuseen lacagtaas oo ahayd mid uu ku yiri waxaan kuu saxiixayaa inaad adigu keentid shidaalka dalka lacagtu waxay dhameyd laba milyan oo doolar, wxuu mid taa ka badan ka qaatey C/xoosh lacag dhan afar milyan dolar wuxuu heshiis hoose la galay C/dale Faadil siilaanyo oo uu ku yiri ka dhig in gudiiga dhaqaalaha u saxiixeen xoosh intaaney arintu dhamaan ayuu safar wefdi u raacey wuxuu kaga harey Sacuudiga waana baxsadey marxuum Jirde lacagtii waa shidaalna muu keenin oo khiyaamadii siilaanyo ayuu ku lacg seegey shidaalkiin aan loo marsiin hada sidaa ayuu ku hayaa laanta balse hada shaqadii dhaca waxaa la wareegtey amina weris iyo xirsi gaab wataa lacagtii beri dhoweyd lagu qabtey iyadoo ka dhoofineysa Neyrobi wiilkey u sodohda u hayd ileyn waa naag dhaca ku caana maashaye, waxay dhacdey lacagtii iyo wuxuu xoola lahaa cali jirde oo xitaa caruurtii ay ku riyeen cali jirde iyo xaaskiisa ay xabsi dhigtey waa xuseene iley cali jirde caruur muu dhalin balse wuu koriyey waana uga dardaarmey amina walaasheed ayuu qabey wixiiba afkey martastey wealee aakhiraa war jiraa.
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Virivication Code :  
 
 
 
  • © Copy Right www.sunatimes.com 2009-2014 All Rights Reserved.
    Home | About Us | Site Map | Diinta | Reports | Latest News | Featured Items | Articles | Suna Radio | Contact Us